Republic of Somaliland Representative Office in TaiwanTaiwan
Republic of Somaliland Representative Office In Taiwan |Republic of Somaliland Representative Office In Taiwan |Republic of Somaliland Representative Office In Taiwan |
(Mon - Friday)
admin@somaliland.tw
Chenggong Rd, Neihu District, Taipei City

Engagement Coordination

Madasha Codsiyada Iskaashiga

Muwaadin ku soo dhawoow qaybtan Codsiga Iskaashiga Rasmiga ah ee Somaliland–Taiwan. Waxaanu kaaga mahadcelinaynaa dadaalkaaga ku aaddan xoojinta iskaashiga laba-geesoodka ah ee Somaliland iyo Taiwan. Qaybtan waa mid loogu tallo galay fududaynta isku-dubaridka codsiyada iskaashiga iyadoo la hubinayo inay waafaqsan yihiin mudnaanta qaranka Somaliland, lana jaanqaadi karaan waaxaha ahmiyada u leh xidhiidhka Taiwan-Somaliland. Fadlan si sax ah oo dhamaystiran u buuxi si loo fududeeyo qiimaynta iyo dabagalka. 

Ujeedka Madasha Codsiyada: 
  1. Iskudubarid codsiyada iyo bixinta soo jeedimo caawiya xidhiidh iskaashi oo toolmoon.
  2. Hubinta in codsiyada la waafajiyo himilooyinka diblomaasiyadeed iyo horumarineed ee Somaliland.
Yaa soo codsan kara?

Waxaa soo gudbin karta codsiyada haayadaha dawliga ah iyo kuwa aan ahayn ee Somaliland sida:

  • Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda
  • Jaamacadaha iyo Hay’adaha Cilmi-baarista
  • Isbitaalada dadweynaha ama machadyada waxbarashada
  • Rugaha Ganacsiga iyo Ururada Xirfadlayaasha
  • Shirkadaha Dawladdu Leedahay
Sida Codsi Loo Soo Gudbinayo?
  1. Soo dejiso Foomka Codsiga Iskaashiga Rasmiga ah
    📄📄 Soo dejiso Foomka (PDF) ama 📄📄 Soo dejiso Foomka (Word)
  2. Buuxi dhammaan qaybaha loo baahan yahay, oo ay ku jiraan:
  3. U gudbi foomka oo dhameystiran: coop@somaliland.tw
Nidaamka iskudubaridka?
  • Dhammaan codsiyada la soo gudbiyo waxa dib u eegis iyo tallo bixin ka soo gudbinaysa Xafiiska Wakiilka Somaliland ee Taiwan.
  • Codsiyada la ansixiyay ayaa la kala hormarin doonaa waxaana si rasmi ah loogu gudbin doonaa hay’adaha Taiwan ee ay khusayso.
  • Codsadaha waxaa lala xidhiidhi doonaa 10-15 maalmood gudahood si ay u helaan jawaab celin ama caddayn.